Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan eedeyn dad badan layaab ku noqotay Warbaahinta usoo marsiiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, isaga oo sheegaya in Rooble dhul boob wado.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku amaray taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa in baaris deg deg ah ku sameeyo eedeynta kasoo yeertay taliyaha Ciidanka Badda.
Qoraalka Wasiirka soo saaray ayaa dad badan u qaateen in uu amray in lasoo baaro waxa ka jira in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu wado boob loo geesanayo dhul ay leeyihiin talisaka ciidanka Badda.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal cusub uu soo saaray ku cadeeyay in warqadii ka soo baxday Xafiiskiisa ay ujeedadeedu aheyd in baaris rasmi ah lagu sameeyo hadalkii gafka ahaa ee ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Badda oo si ka baxsan nidaamka iyo anshaxa ugu gafay Ra’iisul Wasaaraha.
Waxa uuna sheegay Wasiirka in baarista socota kaliya ay quseyso taliyaha ciidanka badda ee u gafay Ra’isul Wasaaraha eedeymo culusna u jeediyay, waxa uuna shaaciyay in natiijada baaristan ay shacabka Soomaaliyeed la socon doonaan.