Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay in saraakiil u xiran yihiin leexsashada raashinka ciidanka Danab

114

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo sheegay, falkaan inuu dhacay bishii hore, ayna muddo shan cishe ah u xiran yihiin saraakiishii ku lug lahayd falkaas.

Wuxuu sheegay in raashinka lagu iibsaday suuqyada.

“Dowladnimada ceeb ayay ku tahay in wax la xado. Cid allaale ciddii lagu helo maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lagu qaadayaa dambigeeda,” ayuu yiri wasiirku.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wada shaqeyntooda ciidanka Danab.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa.