Wasiirkii Amniga ee dowlada Xasan Sheekh Oo Mar Kale Loo Doortay Xildhibaan

795

Doorashada kursi ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ka qabsoontay Magaalada Baladweyne ee  Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kursiga HOP#011 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cumar Barrow iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sanadihii lasoo dhaafay kursigaas, marna soo noqday Wasiirkii Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Doorashada oo aheyd hal wareeg ayaa waxaa ku guuleystay kursiga HOP#011 Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey ugu fadhiyey kursigaas, wuxuuna helay Codad gaaraya 55 Cod, halka Murashaxii kale Maxamed Barrow uu helay 46 Cod, hal Codna wuu halaabay.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne, iyagoona shaaciyay in kursiga tirsigiisu yahay HOP#011 uu ku guuleystay Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Doorashadii ka dhacday Baladweyne ayaa ka duwaneyd doorashooyinkii hore uga dhacay Magaalada, waxaana Musharaxiinta tartameysay iyo ergada doorashada ay madaxa kusoo wada xirteen maro guduudan, taasi oo tacsi loogu muujiayay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Magaaladaas oo ku jirtay AUN Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.