Wixii Uu Cristiano Ronaldo Xiddigaha Man United Uga Sheegi Jiray Lionel Messi Oo La Kashifay

1769

Cristiano Ronaldo ayaa lagu yaqaanay in uu faano markii uu joogay kooxda Man United waxana uu Peter Crouch shaaca ka qaaday in uu Ronaldo qaab jidheedkiisa bar-bar dhigi jiray qaab jidheedka Lionel Messi.

Peter Crouch ayaa Kashifay sheekadan oo ay u sheegeen xiddigihii ay Ronaldo isku kooxda ahaayeen.

“Haa, Laakiin Messi Sidan Uma Qurux Badna”ayay ahayd Jawaabtii Ronaldo Siin jiray xiddigaha Man United marka ay u sheegeen in uu Messi ka fiican yahay”.

Crouch, Redknapp & Keown ayaa sidoo kale ka hadlay midka fiican ee ay aamisan yihiin labada xiddig.

“Ronaldo ayaa ka fiican Messi, waan jecelahay labadoodaba laakiin aniga ahaan Ronaldo ayaa fiican”ayuu Redknapp yidhi.

“Waxa jira isaga, Diego Maradona, Pele, George Best ayaa ahaa mid maskax badan”.

“Marka aad eegto Ronaldo waxa uu qabtay, waxa aan taageere weyn u ahay, George Best laakiin marka aad eegto waxa uu Ronaldo qabtay, waxa uu ku guulaystay wax walba waana wax cajiib ah”.

“Waxan u malaynayaa In uu Messi ka fiican yahay Ronaldo, qaabka uu isugu xidho ciaarta, waxan u malaynayaa in uu Messi dib isku habayn doono marka loo eego da,diida sidii uu Ryan Giggs sameeyay dhamaadkii xirfadiisa laakiin uma malaynayo in uu Ronaldo sidaas samayn karo”.

“Ronaldo waa xirfadle cajiib ah, waxa ay sheegaan in uu yahay xiddiga ugu dambeeya ee tababarka maalin walba, waxa uu qaataa tababar dheeri ah, waxan u malaynaya in uu Messi sidaas oo kale samayn karo”ayuu Redknapp ku jawaabay.