Xaaladda Myanmar oo faraha ka sii baxday

1708

Ugu yaraan saddex qof ayay ciidamada ammanka ee Myanmar toogteen, xilli dibadbaxyada looga soo horjeedo militariga ee dalkaasi ay dalkaasi ka socdaan.

Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu hortoogtay afaafka hore ee saldhig booliis magaaladaThaketa ee deegaanka Yangon.

Dhalinyaradan ayaa ku baaqayay in xabsiga laga siidaayo dibadbaxayaal kale oo halkaasi lagu xiray.

Sidoo kale haweeney ayaa lagu toogtay goobta lagu magacaabo Mandalay, halkaasi oo wararka lagu baahinayo baraha bulshada ay sheegayaan in ciidamada ay rasaas u isticmaaleen dibadbaxayaal si nabad ah u banaan baxayay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in militariga dalkaasi la wareegay ay dileen 70 qof tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabeen.

Dhacdoyiinka argagaxa leh ee ka dhacay Myanmar
Waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Yangon, waxaa la arkayaa booliiska oo galbinaya nin iyada oo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Ninka ayaa u muuqda maxbuus mana muujinayo wax iska caabbin ah – waxaa kaddib si lama filaan ah u gadaal uga tooganaya askari, kaddib laad ku dhufanaya iyadoo ninku uu dhulka yaallo.

Dhacdadaas, oo muuqaal laga duubay, waa mid ka mid ah dhowr dhacdo oo la soo weriyay tan iyo afgembigii milatari ee ka dhacay Myanmar 1-dii February kaas oo sababay dibadbaxyo.

Ugaarsiga ka dhanka ah dibadbaxyada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Balse milatariga, ama Tatmadaw, ayaa ku adkeysanaya in xoogagga ammaanka ay awoow u adeegsadeen “dibadbaxayaasha rabshadaha wada” oo ay ku eedeeyeen inay weerareen booliiska.

Amnesty ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dilalkii ay geysteen milatariga loo aqoonsanayo kuwo qorsheysan.

Mid ka mid ah muuqaallada, waxaa la arkayaa mid ka mid ah Tatmadaw oo ku sugan Dawei oo qorigiisa amaahinaya sarkaal isaga lala keenay. Sarkaalka ayaa qoriga qabsanaya kaddibna rasaas ridaya, iyadoo asxaabtiisana ay u sacabba tumayaan.

Amnesty ayaa sheegtay in milatariga uu noocyo kala duwan oo hub ah u adeegsaday dibadbaxyada.

Milatariga ayaa sidoo kale weeraray internet-ka intii uu socday afgembiga, iyaga oo xiray dhowr baraha internet-ka iyo kuwa bulshada ah, oo uu ku jiray Facebook.

Dadka arrimahan cambaareeya ayaa sheegaya in awoodda teknolojiyaded ee milatariga ay sababeyso inay basaasaan shacabka ayna qorsheeyaan ficillo ka dhan ah dibadbaxayaasha.

Iyadoo tirada dhimashada ay sii kordheyso, hay’adaha difaaca sida Justice for Myanmar ayaa ku baaqaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Tatmadaw.