XASAASI: Sir Weyn Oo Laga Helay Mustaqbalka Paul Pogba Ee Man United Oo La Kashifay

1687

Ilo wareedyo ku dhaw kooxda Man United ayaa xiddigii hore ee kooxda Man United ee Alan Brazil u shegay in uuna Paul Pogba mar dambe u ciyaari doonin kooxda Man United.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United xilli ay kooxaha Real Madrid iyo Juventus xiiso u qabaan saxiixa xiddiga marka uu furmo suuqa January.

Alan Brazil ayaa muddo 2 sano ah ku qaatay Man United wakhtigii uu ciyaarayay isaga oo kooxda u dhaliyay 8 gool.

Waxana uu sheegay in uu kulankii Arsenal ee ay United bar-baraha 1/1 gashay yahay kulankii ugu dambeeyay ee uu Paul Pogba u ciyaaray kooxda oo uuna mar kale u ciyaari doonin.

“Qof ku dhaw Man United ayaa ii sheegay in uuna Paul Pogba mar dambe u ciyaari doonin kooxda Man United”.

“Ma garan karo qofka u sheegay laakiin waxa aan ogahay qofka waana mid aad ugu dhaw kooxda oo ah ilo wareed xoogan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Paul Pogba ayaa Man United haatan uga maqan dhaawac uu kaga maqnaa kooxda tan ilaa kulankii Arsenal ee bishii September.