Xiddig Liverpool Ah Oo Ku Digtay Lionel Messi Kadib Ku Guulaysigii Lionel Messi Ee Ballon d’Or-ka Waliba Xasuusiyay Ceebtii Anfield

1755

Xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa si maldahan ugu digtay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib markii uu ku guulaytay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.

Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican shalay oo Isniin ahayd isaga oo ku garaacay xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Cristiano Ronaldo.

Kadib markii ay majalada France Football shaacisay in uu Lionel Messi ayuu Trent Alexander-Arnold ku soo qoray bogiisa Twitter-ka”Waxaas ayaa dhacay, miyayna xasuusan kulankii Barcelona ee Aan dhalinay goolka Koornada cajiibka ah”.

Trent Alexander-Arnold ayaa ka hadlaya koornadii taariikhda gashay ee uu sida lama filaanka ah u fuliyay ee uu Origi ka dhaliyay goolkii Barcelona ka reebay tartanka champions League.