Xiddig Muhiim U Ah Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay Ka Hor Wakhtiga Xasaasiga U Ah Mustaqbalka Unai Emery

1606

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayuu soo gaadhay dhaawac Muruqa ah ka hor wakhtiga xasaasiga ah ee uu Tababare Unai Emery wajahayo si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa.

Kooxda Arsenal ayaa waayi doonta daafaca Hector Bellerin kulanka Europa League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Eintracht Frankfurt.

Arsenal ayaa website-keeda ku xaqiijisay in uu Hector Bellerin soo gaadhay dhaawac muruqa ah sidoo kale qiimayn doonta xaalada xiddiga ka hor kulanka Habeen dambe.

Hector Bellerin ayaa ka soo laabtay dhawaan dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa waxana uu kooxda u ciyaaray 6 kulan oo uu ugu dambeeyay kulankii Southampton.

Laakiin xiddiga reer Spain ayaa wajahaya in uu mar kale ka maqnaado kulan muhiim ah oo kooxdiisa ah kulanka Europa League.