Xildhibaan Moobleen oo geeriyooday

1987

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal kuyaala Muqdisho.

Xildhibaan Aadan Xasan Cali ( Moobleen) ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yardimeel ee magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanka la sheegay in xaalad adag maalmihii lasoo dhaafay uu ku jiray .
Xildhibaanka oo deegaan doorashadiisu ay aheyd HirShabelle ayaa maalmihii dambe la xanuunsanayey cudurka macaanka iyo sidoo kale kilya xanuun, isagoona ku dhintay isbitaalka Yardimeli.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya.

Geeridiisa waxaa durbo ka tacsiyeeyey xubno ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo soo saaray qoraal kooban.