DAAWO:-Xildhibaanno feer iyo laad iskala daaay +SAWIRRO

1756

Booliska Kenya ayaa ku qasbanaaday in ay kala dhexgalaan laba xildhibaan oo kala taabacsan madaxwayna kuxigeenka William Ruto iyo rai’sul wasaarihii hore Raila Odinga oo isku fara saaray goob ay tacsi ka socotay.

Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay xildhibaanka laga soo doorto waqooyiga Dagoretti, Simba Arati, isla markaana uu wax uga sheegayay madaxwayna kuxigeenka William Ruto ayaa waxaa ka dhashay dagaal.

Arrintan ayaa sababtay in xildhibaanka Konfurta Mugirango, Slyvanus Osoro, oo ka mid ah xildhibaanada taabacsan Ruto inta uu soo istaago uu makarafoonka la qabsado xildhibaan Arati taasi oo keentay gacan ka hadal.

Xildhibaan Arati ayaa ku eedeeyay madaxwayna kuxigeenka iyo siyaasiyiinta kale ee la socda musuq maasuq.

Waxaa uu sidoo kale xildhibaan Simba Arati uu madaxwayna kuxigeenka oo goobta ku sugnaa ka dalbaday in uu raaligelin ka bixiyo dadkii gobolka Rifty Vally lagu laayay xilligii rabshadihii doorashadii 2007 Kenya ka dhacay.

Hadalka Arati ayaa waxaa aad uga carooday xildhibaan Slyvanus Osoro oo intii uu kursigii uu fadhiyay ka soo istaagay goobtii uu khudbadda ka jeedinayay uga tagay mudanaha dhiggiisa ah.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya labada xildhibaan oo dagaalamaya isla markaana ay ciidamada ammaanka iyo xildhibaano kale kala jiidayaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda siyaasadda ee dalka Kenya ay cirka isku sii shareereyso.

Waxaa Kenya imika ka socda olola la doonayo in dastuurka wax looga bedalo, gaar ahaan nidaamka ay dowladda u dhisan tahay.

Ololaha ayaa waxaa taageersan oo wada madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo ra’iisul wasarihiin hore ee dalka, Raila Odinga.

Balse waxaa in dastuurka wax laga bedalo ka soo horjeeda madaxwayna kuxigeenka dalka William Ruto.

Waxaa muddooyiinkii dambe ay xildhibaanada kala taabacsanaayeen Raila Odinga iyo William Ruto.