Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.
Sida uu shaaciyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in sahminta shidaalka lasoo gabagabeeyo bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.
Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaan dadallo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gabagabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiyuhu.
Dhinaca kale marka ay soo dhamaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.