Xisbiga Wadajir oo laga hor istaagay Siminaar uu qabanayay

1833

Ciidamada ammaanka ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Wadajir, kaasoo ka socday Hotelka Makka Al-Mukarama.

Siminaarkan oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa u socday Dhalinyaro uu Xisbiga diiwaan geliyay, waxaana lagu barayay wacyiga siyaasadda iyo hoggaaminta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa la dul dhigay hareeraha Hotelka, iyagoo ku amray maamulka Hotelka in la joojiyo siminaarka oo lagu wqday in maanta la soo gabagabeeyo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in amarka lagu joojiyay Siminaarka uu qabanayay uu ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir, Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sidoo kale bartiisa Facebook soo dhigay sawirka Ciidamo Boolis oo banaanka Hotelka ku sugan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda iyo qeybaha kale ee hey’addaha dowladda oo inta hadlin dhacdooyinkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa cabsi gaar ah ka qabta Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo horay ay ka joojiyeen kulamo iyo isu soo baxyo uu qabsan lahaa, waxaana siyaasiga la xiray dhamaadkii sanadkii hore ee 2017, kaddib markii ay gurigiisa ku weerareen Ciidamada Nabadsugida.