Xog;- Khilaaf Xoogan oo ka dhex Tagan Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug

1710

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Khilaaf uu soo gala dhex galay Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa noqday labo dhinac, waxaana qeyb uu hoggaaminaayo Wasiirka Qorsheynta Galmudug ay taageereen Go’aamada Ahlusunna, maadaama markii hore uu keenay Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

 

Qeybta labaad ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyaha Guddiga Cabdiraxmaan Baadiyow, waxaana ay si weyn uga soo horjeedaan faragalin ay sheegeen in Ahlusunna ay ku heyso Odayaasha dhaqanka Galmudug.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in Guddiga uu qarka uu saaran yahay in uu burburo..