XOG: Wasiirada cusub oo goordhaw lagu dhawaaqayo

1772

Wasiirka 1aad ee xukuumadda Soomaaliya, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.

Xogta ay heshay Puntlandtimes ayaa sheegaysa in Ra’iisul wasaare Rooble uu 48-da saac ee soo socota ku dhawaaqi doono xukuumad ay u badan yihiin wasiiradii xukuumaddii barlamaanku kalsoonida kala laabteen ee Xasan Cali Khayre.

Wasiirada la filayo inay sii joogi doonaan xafiisyadooda waxaa kamid ah kuwa wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, qorshaynta, kalluumaysiga, inkastoo wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaashu aysan kujirin cidda sii joogaysa boosaskooda.

Dhanka kalena, wasiirada uu ra’iisul wasaare Rooble xafiisyada ka raacdayn doono ama kuwa kale geyn doono waxaa kamid ah wasiirada waxbarashada, arrimaha gudaha, aminga, gaashaandhigga, warfaafinta, shaqada iyo dhalinyarada.

Xubnahaan waxaa lafilayaa inay si aad ah uga soo dhex muuqan doonaan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, si ay codka kalsoonida u siiyaan xukuumaddaan oo shaqadeedu ku egtahay xilliga doorashada Soomaaliya.