Xubno ka tirsan dowladda oo gaaray Garowe, Amarkii Gaas oo la jebiyey + Sawiro

2027

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, xilli hore uu maamulka Gaas u mamnuucay xubnaha dowladda Soomaaliya inta ay doorashada socoto.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa gaaray magaalada Garoowe, iyada oo si weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanadan ma aysan shaacin sababta ay u tageen Garoowe, hase yeeshee xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay inay la soconayaan doorashada madaxweyne ee ka dhacaysa Puntland.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban-qaabada xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland oo miisaan culus oo la sheegay inay beri tagi doonaan magaalada Garoowe.

Maamulka Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin xubnaha ka socda dowladda ee maanta gaaray Garoowe.

Cabdi Weli Gaas, oo ka cabsanaya inay dowladda dhaqaale ku taageerto xubnaha isaga la loolmaya, ayaa xubnaheeda ka mamnuucay inay tagaan Garoowe, mana cadda wax tallaabo ah oo uu qaadi karo, maadaama xildhibaanada tagay halkaas ay kasoo jeedaan deegaanka.