Xulalka France Iyo Portugal Oo isku garab dhacay +SAWIRRO

1715

Xulalka Portugal iyo France ayaa ku heshiiyay bar-baro gool la’aan ah kulan ka tirsanaa tartanta UEFA Nations League xilli ayna labada xul soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Labada xul ayaa kulanka soo galay iyaga oo ku dagaalamaya Group-kooda iyaga oo labadooduba lahaayeen 6 dhibcood mid walbana isha ku hayo 3-da dhibcood ee Group-ka.

Laakiin labada xul ayaa ku kala baxay Bar-baro gool la’aan ah kadib markii ay wax gool ah kala dhalin waayeen kulanka inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican.

Saaxiibada Cristiano Ronaldo ayaa ahaa kuwa maamulayay ciyaarta laakiin xulka qaranka France oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah ayaa halis ku ahaa goolka xulka Portugal.

Xulka Portugal oo tartanka UEFA Nations League difaacanayay ayaa sii xejistay hogaanka Group-ka kadib bar-barihii ay ku kala bexeen xulka France.

Portugal iyo France ayaa leh min 7 dhibcood laakiin xulka Portugal ayaa hogaanka Group-ka ku haya goolla isaga oo 2 gool badan xulka qaranka France.

Dhanka kale xulka qaran Italy ayaa bar-baro kala kulmay xulka qaranka Poland kadib kulan bar-baro gool la’aan ah ku dhamaaday labadii qaybood ee ciyaarta.

Dhankiisa xulka Italy ayaa Group-kiisa ku hpogaaminaya 5 dhibcood isaga oo hal dhibic ka horeeya xulalka Netherlands iyo Poland.