Xulista Baarlmaaanka Jubbaland oo Bilaabatay

1653

Odayaasha Dhaqanka ee Maamulka Jubbaland ayaa ku sii Qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaadhka ah ee Jubbaland si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa u diyaariyey xarun gaar ah duqeydan iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Hase yeeshee waxaa hore u jirey khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada.

Madaxweyaha Jubbaland ayaa doonaya in saddex xubnood beel

Madaxweyaha Jubbaland ayaa doonaya in saddex xubnood beel walba ay keensato kadibna hal xubin laga dhex doorto,halka musharaxiinta kale ay fikirkan ka biyo diideen iyagoo codsaday in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii u meteli lahayd baarlamaanka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada.

Bisha Sideedaad ‘ August’ ee sanadkan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Doorashada Jubbaland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana Axmed Madoobe uu Noqday Hogaamiyaha keliya ee madashii maamulada ka hadhay oo khilaaf kala dhexeeyo Dawaladda dhexe.