Xulka Argentina oo ugudbay wareega 8 dhamaadka +SAWIRRO

242

Xulka Argentina ayaa u soo baxay Wareega 8 dhamaadka ee Koobka Aduunka 2022 ka dib markii ay 2-1 ku legdeen Xulka Australia Weeraryahanada Naadiyada PSG  iyo Man city u kala qaata nambarada 10 Messi iyo 9 Alvarezayaao qalinka ku duugay labada Gool.

Ciyaar ka tirsan meertada Wareega 16 ee Koobka Aduunka 2022 ayaa dhexmartay Xulalka Argentina iyo Australia waxaana kulankan oo ay ku gacan sareeyeen Xulka Argentina uu ku soo gabagabobay 2-1 ay Argentina ay ku legaday Xulka Australia.

Kulamada Wareega 8 dhamaadka ayaa waxaa isku beegmay xulalka Argentina iyo Netherland oo caawa ka soo kala badiyay Australia iyo USA.

Messi oo u dabaaldegaya kulankiisoo 1000-aad ee xirfadiisa ciyaareed ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee wareega 16ka Koobka Adduunka, Waxaana uu haatan leeyahay 789 gool iyadoo ay u badan tahay inuu koobkan noqdo kii adduunka ee ugu dambeeyay ee uu safto xulka dalkiisa.