Xulka France Oo Garaacay Poland+SAWIRRO

229

Xulka France ayaa garaacay xulka Poland iskana xaadiriyay 8 dhamaadka koobka adduunka kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Al Thumama Stadium.

Xulka France ayaa si dar-dar leh ku bilowday iyaga oo Poland ku qaadayay weerar aan kala joogsi lahayn isla markaas maamulayay ciyaarta.

Laakiin xulka Poland ayaa ahaa xulka sameeyay tijaabada ugu horaysa ee ciyaarta iyaga oo ku dhawaaday in ay dhaliyaan gool isla markaas hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha France iyo daafacyda France ayaa sameeyay badbaadino la yaab leh Poland-na ka hor istaagay in ay dhaliyaan gool.
Daqiiqadii 44-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Xiddiga Giroud ayaa isku qoray taariikhda France waxana uu noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka France isaga oo dhaliyay goolkiisii 52-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka France ahaa midka fiican una qalmay in uu hogaamiyo ciyaarta.

Qaybta dambe ayuu xulka Poland isku dayay in uu soo laabto waxana ay sameeyeen fursado laakiin kuwaas ayaa ku dhamaaday Fashil.

Daqiiqadii 74-aad ayuu xiddiga Kylian Mbappe dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa waxana uu ka dhigay 2/0 uu xulkiisu ku dheeraystay hogaanka ciyaarta kana dhigay 2/0.

Xulka France ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal kale xilli uu xulka Poland ka baxay daafaca si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadiin 90-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka 3/0 uu xulka France ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Poland ayaa daqiiqadii 90+8-aad dhaliyay gool sharafeedka waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaaa oo ciyaarta ka dhigay 3/1

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka koobka adduunka ka socda Qatar.