Xulka France Oo Garaacay Xulka Sweden +SAWIRRO

1662

Xulka Sweden ayayna wakhti dheer ku qaadan in uu hogaanka u qabto ciyaarta kadib markii ay daqiiqadii 4-aadba dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Viktor Claesson.

Xulka France ayaan khal-khalin kadib goolka wakhtiga hore ah laakiin waxa ay u ciyaareen si dagan iyaga oo raadinayay goolka waliba ciyaarta si fiican u maamulayay.

Dhanka kale xulka Sweden ayaa daafac galay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay ku sii dheeraystaan hogaanka.

Laakiin Daqiiqadii 16-aad ayuu xulka koobka adduunka ku guulaystay dhaliyay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka France ayaa daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Benjamin Pavard kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Qaybtii dambe ayuu France si dar-dar leh ku bilowday waxana ay daqiiqadii 59-aad dhaliyeen goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay Olivier Giroud kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xulka Sweden Ayaa goolka 2-aad ee ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 88-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Robin Quaison kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2

Xiddiga Kingsley Coman ayaa daqiiqadii 90+3 dhaliyay goolka 4-aad ee xulka qarankiisa isaga oo xulkiisa ku hogaamiyay guul ay u qalmeen.