Xulka France Oo Portugal Ka Reebay Tartanka UEFA Nations League+SAWIRRO

1467

Kulanka dhexmaray labadan xul ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiibka ah oo ay isku qaadayeen.

Xulka Franc ayaa ahaa mid ka halista badan xulka Portugal qaybtii dambe iyada oo uu Goolhayaha Rui Patricio Sameeyay badbaadino cajiib ah oo uu xulkiisa ciyaarta ugu sii hayay.

Inkasta oo ay sameeyeen fursado cajiib ah hadana xulka France ayaan wax gool ah u badalin fursadahaas iyaga oo ku dhibaatooday goolka hortiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican laakiin aanay wax goolal ah kala dhalin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka France ka midho dhaliyay fursadihii ay helayaan iyaga oo daqiiqadii 53-aad dhaliyay goolkii 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga N’Golo Kante kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa ciyaarta la wareegay xulka Portugal kuwaas oo wax walba ka sameeyay ciyaarta si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Cristiano Ronaldo iyo saaxiibadiis ayaa helay fursado aad u badan laakiin aan wax kubad ah shabaqa dhex dhigin xilli uu xulka France difaacanayay goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay tartanka UEFA Nations League halka uu Portugal ka hadhay tartanka uu difaacanayay kuna guulaystay snaadkii hore.