Xulka Qaranka Tunisia Oo Iska Xaadiriyay Semi-finalka Koobka Africa +SAWIRRO

1684

Xulka qaranka Tunisia ayaa iska xaadiriyay Semi-Finalka koobka qaarada Africa kadib guul ay ka gaadheen xulka Madagascar kana tirsanaa 8 dhamaadka koobka qaarada Africa.

Xulka Tunisia ayaa dhamaystiray 4-ta xul ee iska xaadiriyay Semi-finalka kadib markii ay guul ay u qalmeen ka gaadheen xulka qaranka Madagascar.

Tunisia ayaa daqiiqadii 52-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ferjani Sassi kaas oo kubad uu laagay ku dhacday xiddig xulka Madagascar ah sidaasna xulkiisa ugu dhiibay hogaanka ciyaarta.

Xulka qaranka Tunisia ayaa daqiiqadii 60-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Youssef Msakni kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka qarankiisu ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Madagascar ayaa isku dayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah laakiin waxa u suurtagali wayday in ay dhaliyaan gool.

Xulka Tunisia ayaa ciyaarta hurdo u diray qdaiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta iyaga oo dhaliyay goolkii 3-aad ee ciyaarta iyaga oo u dhaliyay xiddiga Naim Sliti kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Tunisia iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka Koobka qaarada Africa.