Xulka Spain Oo Iska Xaadiriyay Final-ka Euro 2024+SAWIRRO

166

Xulka qaranka Spain ayaa sii wada wacdarihii uu ka dhigayay tartanka Euro 2024 iyaga oo iska xaadiriyay final-ka tartanka.

Xulka Spain ayaa garaacay xulka France kulan ka tirsanaa Semi-Final-ka tartanka iyada oo la ciyaaray kulan xiiso leh.

Spain ayaa maamulayay ciyaarta iyada oo xulka France ciyaarayay kubad orod ah oo rogaal celis ah.

Xulka France ayaa ku hor maray goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kolo Mauni daqiiqadii 8-aad kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Laakiin xulka Spain ayaa si deg-deg ah uga jawaabay waxana gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Lamine yamal kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro daqiiqadii 21-aad.

Xulka Spain ayaa daqiiqadii 25-aad dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dani Olmo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Spain isaga xaadiriyay Final-ka tartanka Euro 2024.