Yaadilay Lt. Gen. Igor Kirillov?

47

Jeneraal sare oo Ruush ah ayaa Talaadadii lagu dilay bam lagu qariyay mooto, meel bannaanka ka ah dhismihii uu ka degganaa magaalada Moscow, maalin ka dib markii guddiga ammaanka ee Ukraine uu ku soo oogay dacwad dambiyeed.

Sarkaal u hadlay Ukraine ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen.

Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee nukliyeerka, baayolajiga iyo ilaalinta kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u socday xafiiskiisa. Kaaliyaha Kirillov ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.

Kirillov, oo 54 jir ah, ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan UK iyo Canada, iyadoo loo heystey falkii uu ka gaystay dagaalka Moscow ee Ukraine.

Isniintii, hay’adda Amniga ee Ukraine, ee SBU, ayaa furtay baaritaan dembi oo ka dhan ah, ayadoo ku eedeysay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay.

Sarkaal u hadlay SBU ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay weerarka.