Yurub oo soo wajahday Xaalad adag

245

Ruushka ayaa xiray dhuun gaasta dabiiciga ah geysa dalka Jarmalka oo lagu magcaabo Nord Stream 1, isagoo ku sababeeyey xiritaanka dhuuntan inay la xiriiro dayactir lagama maarmaan ah oo lagu samaynayo marawaxadaha dhuunta.

Ruushka ayaa sheegay in dayactirku uu qaadanayo muddo saddex maalmood ah, Hase ahaatee Maraykanka iyo Yurub ayaa ka horyimid doodda Ruushka, iyagoo ku eedeeyey madaxweynaha Ruushku inuu huba ahaan u adeegsanayo tamarta.

Sannadkii hore Ruushku wuxuu dalalka Yurub u iibgeeyey 40% gaasta dabiiciga ah ee ay u baahan yihiin. Hase ahaatee toddobaadyadii u dambeeyey, Ruushku wuxuu dhimay gaasta uu sii mariyo dhuunta Nord Stream 1 taasoo haatan gaarsiisa dalalka Yurub illaa 20% gaastii mari jirtay.

Qiimaha gaasta ee dalalka Yurub ayaa haatan toban laabmay, marka loo eego qiimihii ay ahaan jireen tobankii sano ee la soo dhaafay.

Ruushka ayaa isagu ku doodaya in xiritaankii ugu dambeeyey uu la xiriiro cunaqabataynada ay wadamada reer galbeedku saareen dhaqaalaha dalkiisa.