Zlatan Ibrahimovic Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Ku Biiri Doono, Horyaalkee Ayuu Ku Wajahan Yahay?

1869

Weeraryahanka Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay kooxda uu ku biiri doono wakhtiga soo socda xilli uu isaga tagay kooxda LA Galaxay kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jira.

Weeraryahanka ayaa a xiddig xor ah waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah sida Man United Milan, Napoli, Bologna & Roma.

“Waxa aan ku biiri doonaa koox ay waajib tahay in ay ku soo laabto wadada guulaha, ay tahay in ay dib u cusboonaysiiso taariikhdeeda waliba raadinaysa in ay mar kale la dagaalanto qof walba iyo cid walba”ayuu Ibrahimovic u sheegay Corriere della Sera.

“Taas ayaa ah wadada kaliya ee aan ku helayo dhiiri galinta iyo waliba in aan mar kale ka yaabiyo adduunka, Kaliya ma ahan doorasho koox laakiin waxa jira qodobo kale oo ay ku jirto doorashada qoyskayga”.

“Waxa aan dhawaan idinku arki doonaa Italy”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa u muuqda mid muujinaya in uu xiddiga reer Sweden ku wajahan yahay kooxdiisii hore ee Ac Milan