Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa goordhoweyd qoraal uu soo saaray ku wargeliyay guddiga doorashooyinka Somaliland (SEIT) qabashada doorashada guddoonka, kadib khilaaf xoogan oo muddo taagna.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni.
âIyadoo la tixraacayo goâaankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay (3 Agoosto 2021) ka gaaray xalinta arrimaha guddiga hirgelinta doorashad ee Somaliland, iyo goâaanadii xalay kasoo baxay shirka fogaan aragga Gollaha Wada-tashiga Qaran ee khuseeyay arrintaas, wuxuu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ku wargalinayaa 11 xubnood ee Guddiga doorashooyinka in doorashada guddoonka la qaban doono Maalinka Sabtida,â ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.
Sidoo kale waxa uu guddiga ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga uu u mudeeyay inay qabsoomto doorashada guddoonka, taasi oo looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.
âSi looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada, waxaa mar labaad dhamaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada guddoonka guddiga Somaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan.â
Waqtiga uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal u mudeeyay qabashada doorashada guddoonka Somaliland ayaa waxaa soo goâaamiyey Raâiisul wasaare Rooble, oo asagu si toos ah ula wareegay arrinta guddigaas.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Raâiisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu shalay kulan uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Somaliland, uu kaga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland.