Kuuriyada Waqooyi oo 30 kun askari u direysa…..

31

Dowladda mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa qorsheeneysa in kumanaan kun oo askari u dirto dalka Ruushka oo xulufo hoose yihiin, ciidankan cusub ayaana milatariga Ruushka ka taageeraya duullaan hor leh oo lagu qaadayo magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong-un, ayaa lagu warramayaa inuu amray 30,000 oo askari oo loo dirayo Ruushka , si ay uga qeybqaataan duullaan horleh oo Ruushku isku diyaarinayo inuu ku qabsado dhulka istaraatijiga ah ee Ukraine.

Telefishinka CNN, ayaana baahiyay in wadahadal dhax maray madaxda dowladaha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi isla garteen in ay iska taageeraan duullaan cusub ee lagu qaadayo Ukraine, waxaana ciidamadan Kuuriyada Waqooyi direyso si deg deg ah lo gaarsiin doonaa Ruushka.

Kuuriyada Waqooyi, ayaa horey loogu eedeeyay in ciidamo iyo hub ku taageereen Ruushka oo dagaalka kula jira Ukraine, waxaana gudaha Ukraine lagu dilay qaar kamid ah askarta u dhalatay Kuuriyada Waqooyi ee ka barbar dagaallameysa milatariga Ruushka.

Xiriir qoto dheer iyo heshiis iskaashi oo dhinaca milatariga ah ayaa ka dhaxeeya dowladaha Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya, waana midda hadda keentay in Kuuriyada Waqooyi si toos ah dagaalka Ukraine ugu biirto ciidamo badan ugu daadgureuso dalkaasi.