Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay sharci cusub oo lagu soo rogay canshuur dhan 3.5% lacagaha ay dibadda u diraan dadka aan Mareykanka u dhalan. Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa in ay si weyn u saameyso malaayiin qoys oo dunida ku tiirsan xawaaladaha si ay u daboolaan baahiyaha aasaasiga ah sida cuntada, biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka.
Sharci lagu magacaabo “One, Big, Beautiful Bill”, oo uu bishan saxiixay madaxweyne hore Donald Trump, ayaa qayb ka ah qorshe dhaqaale oo la sheegay in uu sare u qaadayo dakhliga gudaha, balse si weyn uga dhan ah jaaliyadaha muhaajiriinta ah ee Mareykanka ku nool.
Machadka Horumarka Caalamiga ah (CGD) ayaa sheegay in canshuurta cusub ay sabab u noqon karto in lacagaha loo diro waddamada danyarta ah ay hoos u dhacaan 5.6%, taasoo macnaheedu yahay in waddamo sida Soomaaliya, Mexico, Hindiya, iyo Tonga ay lumin karaan balaayiin doolar sanadkii.
Sanadkii 2023, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda ku sugan ayaa dalka usoo xawishay $1.73 bilyan – taasoo ka badan dhammaan deeqaha horumarineed iyo bani’aadamnimo ee Soomaaliya hesho. Sidoo kale, 40% deeqdii horay uga imaan jirtay Mareykanka ayaa laga jaray kadib markii USAID la dhimisay in ka badan $60 bilyan guud ahaan dunida.
Hay’adaha samafalka sida Oxfam ayaa hore u sheegay in xawaaladuhu ay badbaadiyeen nolosha kumannaan Soomaali ah xilligii abaarihii 2011. Hadda, canshuurta cusub waxay si toos ah u saameyn doontaa boqolaal kun oo qoys oo noloshoodu ku tiirsan tahay lacagahaas.
Waddamada sida Hindiya, oo helay $119 bilyan oo xawaalado ah sanadkii hore, ayaa sidoo kale lumin doona malaayiin doolar haddii canshuurta la dhaqangeliyo. Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Dalalka sida Australia ma dabooli karaan farqiga dhaqaale ee ka dhashay canshuurta Mareykanka?
Qaramada Midoobay ayaa ujeedadeedu tahay in la yareeyo kharashaadka xawaalad dirista in ka yar 3% marka la gaaro 2030. Haddana tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee Mareykanka ayaa u muuqda kuwo kasoo horjeeda yoolkaas, iyagoo dhibaato weyn u horseedaya qoysas danyar ah.