
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay bilowday baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee hooyo Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir, kaddib markii loo diiday gurmad caafimaad oo degdeg ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka maanta oo ay taariikhdu tahay 07 November 2025, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Ali Haji Adam, uu amar ku bixiyay in si degdeg ah dib loogu eego CCTV-da isbitaalka, isla markaana laga soo ururiyo warbixin buuxda oo ka timaadda maamulka isbitaalka si loo xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta badbaadada Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah.
Sidoo kale, qoraalka rasmiga ah ee Wasaaradda ayaa lagu xusay in haddii baaritaanka lagu ogaado in ay jirto dayacaad, khalad ama mas’uuliyad-darro ka timid dhinaca shaqaalaha ama maamulka Isbitaalka Banaadir, tallaabo sharci ah iyo mid maamul laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dhacdadaas.
Dhinaca kale, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan inuu gaaray muuqaalka hooyada Soomaaliyeed oo ku umushay laamiga hormara isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo aan helin daryeel caafimaad.Â
“Goluhu asaga oo kaashanaayo wasaaraddda Caafimaadka waxa uu baaritaan rasmi ah ku sameyn doonaa kiiskan, waxa uuna degdeg bulshada ula wadaagi doonaa natiijada baaritaanka, waxa uuna qaadi doona tallaabooyinka la gudboon, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen.





















