
Laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee Somaliland ayaa sheegtay in aan deegaanada ay maamusho lagu soo gali karin dal ku gal (Fiise) ay bixisay dowladda Soomaaliya.
Nidaamka fiisaha ee lagu geli karo Somaliland ayaa laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ay sheegtay in jihaynta ay tahay in lagu war geliyo dadweynaha.
Diyaaradaha, wakiillada laamaha socdaalka, howlgallada diblumaasiyadeed iyo dhamaan socdaalayaasha ku wajahan Somaliland, iyada oo tixraacayo qodobka sharciga ee tirsigiisu yahay 109/2025 ay hay’addu cadeyneyso qodobkan:
Muwaadiniinta ajaaniibta ah ee booqanaya Somaliland, waxay ka heli karaan dal ku galka fiisaha markay yimaadaan garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera
Somaliland waxay sheegtay In dal ku galka ama oggolaansho safar ay soo saartay dowladda Soomaaliya aysan ka shaqeyneyn in lagu soo galo Somaliland. Dukumentiyo noocaas ahna aan laga aqoonsaneyn goob kasta oo xuduudda Somaliland ah.
“Shaqsiyaadka wata dukumentiyadan, waxaa laga diidayaa soo gelitaanka, waxayna wajihi karaan nidaamka sharciga u yaala shuruucda socdaalka qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee Somaliland.




















