
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” Eritrea ay ku sameysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.
Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay “ku maalgeliyaan hanti badan dakadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’aday Itoobiya.
Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada Horn Review iyo jaamacadda Addis Ababa.
Wasiirka waxa uu madasha ka sheegay siyaasada Itoobiya ee la xiriita waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiiro ka kala socday dalal badan.
Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diirada saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay wasiirka in khilaafka mudada dheer soo jiray ee u dhexeeyay labada dal uu yahay mid aan ku ekeyn dekado iyo bad. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirka in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.
“Dowladda Eritrea waxay dareemeysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasada gudaha Itoobiya”, wasiirka waxa uu dhaliilay hoggaanka Eritrea oo u sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaalada si ay u gaaraan danahooda”.
Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasada Isaiah” oo ah mid ku saleysan in jiritaanka Eritrea oo ku jiro dhibaatada, qeybsanaanta, iyo deganaasho la’aanta Itoobiya”.
Wuxuu u sheegay wasiirka dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.
“Hadda ciidamada Eritrea ayaa maamula dhowr deegaan oo ku yaal waqooyiga Itoobiya” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan”
Wuxuu kaloo ku eedeeyay wasiirka in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda”.
Dr. Gedeon waxa uu sheegay tallaabooyinka dowladda Asmara in ay tahay wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, wuxuu kaloo sheegay in dowladiisa ay diiday in ay qaado tallaabo la xiriirta arrintan.
“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed hadana in aysan qaadin tallaabo ay isku difaaceyso” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in mowqifkan looga fogaanyo dagaalka “uusan aheyn mid sii jiri doona.”
Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu kaloo ka hadlay arrintan ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho dakad, wuxuu ku celiyay hadaladii hore ay dowladiisa u sheegtay ee ahaa in arrinta dekadaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri” iyadoo 130ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin dekad laysku haleyn karo oo ammaan ah.
Dr. Gedeon wuxuu sheegay in dakadda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.
Dr. Gedeon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgalinta weyn ay Itoobiya ku sameysay dakadda ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day” in ay tahay tan ay mudnaanta koowaad ku siinayaan. Dalabka dowladda ayuu sheegay ee dakadda in tahay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaalada dhaqaale ee Itoobiya.
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisada ka dhextaagan labada dal lagu xalin karo oo kaliya “isdhexgal dhaqaale oo gobolka ah” oo u dhexeeya laba dal. Wuxuu kaloo sheegay Dr. Gedeon in doonista Itoobiya ee dakad lagu xalin karo habkan.
Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga hadii ay guuldarestaan tallaabooyinka diblomaasi ee socda. Isagoo taas ka jawaabayay wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal”.
“Marka la eego xaalada jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.
Dr. Gideon oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wadahadal” si loo baddelo mustaqbalka labada dal ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan Eritrea.
Xigasho: BBC




















