Shariif Sheekh Axmed iyo Axmed Madoobe oo dhisanaya is bahaysi

45

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan lagu dhawaaqi doono isbahaysi siyaasadeed oo ay isla dhisanayaan Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Inkastoo wali aanan helin siyaasiyiinta kale ee isbahaysigaan ku jira hadana waxaa lagu shaacin doonaa ku dhawaaqista hada la hadal hayo.

Isbahaysigaan waxaa musharaxa Madaxweynaha Somalia u ah Shariif Sheekh Axmed waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Axmed Madoobe aqbalay inuu soo dhiso Shariifka taasoo siyaasad ahaan la qiyaasayo inuusan ku farxi doonin Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani oo damac uga jira inuu Musharax madaxweyne mar kale noqdo.

Inta badan dadka siyasada taxlilaya ayaa rumeysnaa in Saciid Dani uu ku tashanaayay sanadkaan in Axmed Madoobe uu isaga garab ku siin doono sidii uu ku gaari lahaa Vila Somalia inuu ka taliyo.

Hore waxaa u jiray laba isbahaysi oo waa weyn sida kan Madaxweyne Xasan ee Xisbiga JSP iyo isbahaysiga dhawaan lagu dhawaaqay ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kuwaasoo la baxay Heybad Qaran, hadaba isbahaysigaan hadii lagu dhawaaqo wuxuu noqon doona midka sedexaad ee ku soo kordha saaxada siyaasada xili doorashadii ay soo dhaw dahay.