Kiiskii Haashim Dagane oo weji cusub yeeshay

80

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa maalintii shalay bilowday dhageysiga kiiska Haashim Dagane, oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay dilal taxane ah oo uu ku bartilmaameedsaday afar haween ah oo ku noolaa xaafadda Islii.

Wargeyska Daily Nation oo ka warramay dacwadda, ayaa sheegay in maxkamaddu ay shalay aragtay muuqaallo CCTV ah oo muujinaya haweenka la afduubayo ka hor intaan la dilin. Sarkaal ka tirsan waaxda dembi baarista Kenya ee DCI ayaa garsoorka hortiisa ku soo bandhigay muuqaaladaas, kuwaas oo la rumeysan yahay inay caddeymo muhiim ah u noqon doonaan kiiska.

Dilalka loo haysto Haashim Dagane ayaa la sheegay inay ka mid yihiin saddex dumar oo qoys ahaa, kuwaas oo la dilay bishii Oktoobar ee sanadkii 2024. Haweenkaasi ayaa magacyadooda lagu sheegay Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo ahayd gabar 12 jir ah. Sida ay qoysaskoodu sheegeen, mid ka mid ah haweenka oo ahayd hooyada qoyska, maydkeeda waxaa laga helay gobolka Machakos, oo qiyaastii 61 km u jira magaalada Nairobi.

Kiiska waxaa sidoo kale ku jira eedeymo ku saabsan dilka Deeqa Cabdinuur, taas oo iyadana ka mid noqotay haweenkii lagu laayay weerarradan naxdinta leh ee Islii.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegaya in caddeymaha la soo bandhigay ay yihiin kuwa culus, halka maxkamaddu qorshaynayso inay maqasho markhaatiga eedeysanaha todobaadyada soo socda. Kiiska ayaa si weyn loo hadal hayo gudaha Kenya, iyadoo qoysaska dhibbanayaasha ay codsanayaan cadaalad degdeg ah.