
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si rasmi ah deegaanka Gubta ugu aqoonsaday Beel ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna u magacaabay Maamul dhamaystiran:
- Axmed Xaashi Culusow, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Beesha Gubta ee Gobolka Banaadir
- Duniyo Maxamed Caddow, waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda Beesha Gubta ee Gobolka Banaadir
- Liibaan Saciid Cali, waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Beesha Gubta ee Gobolka Banaadir
- Ismaaciil Xasan Maxamed, waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Beesha Gubta ee Gobolka Banaadir
- Cabdirashiid Xuseen Cali, waxaa loo magacaabay Xoghayaha Beesha Gubta ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Maamulka cusub ee Beesha Gubta in uu hor-tebin siiyo Harumarinta Beesha Gubta, Bilicda iyo Baahinta adeegyada aas-aasiga ah.





















