Shirweynaha aayo-katashiga Soomaaliyeed oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dalka iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah, ayaa shirkooda ka soo saaray warmurtiyeedkii laga sugayay
Qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah in Madaxweynuhu uu dayacay ammaankii Dalka, isagoo gebi ahaanba joojiyey dagaalkii lagula jiray argagixisada Al-shabaab, ciidankii xoogga Dalkana u loogay cadowga.





















