Somaliland oo xabsiga dhigtay Farxiyo Fiska odaygeeda

28

 

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska Farxiyo Axmed Cadaawe Geedi (Farxiyo Fiska) oo uu dhawaan u gacan qaaday Seygeeda oo isna fannaan kale ah Mubaarak Axmed Yuusuf (Oktoobar), kaas oo maanta xukun adag lagu riday.

Farxiyo Fiska oo horay uga hadashay dhacdadan ayaa sheegtay in si arxan darro ah uu u dilay seygeeda, isla markaana uu gaarsiiyay dhaawacyo daran oo illaa hadda ku yaallo jirkeeda. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in qol uu kusoo xiray, isla markaana muddo afar saacadood ah oo xiriir ah uu dilayay, uuna ceeji u gaystay.

“Waxa i soo gaaray wax yar ma aha, filan waa ayay igu noqotay. Korkeyga meel fayoow ma leh”, xitaa wuu i ceejiyay oo wuxuu rabay inuu nafta iga qaado oo ilaa hadda dhuunta way i xanuuneysaa”. ayay horay u tiri Farxiyo.

Intaas kadib waxaan maanta Maxkamaddu ay Mubaarak Oktoobar ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay, waxayna ku xukuntay hal sano iyo afar bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaa lagu ganaaxay xuquuqda madani oo ka dhalatay dhibaatada uu gaarsiiyay xaaskiisa, oo dhibane u noqotay gacan qaad uu ku sameeyay.

“Maxkamadda Degmada Hargeysa waxay dambi ku heshay dambiile Mubaarik Axmed Yuusuf in Aamina Saciid D/26 jir, kaas oo ku gefay qod 440 (1) X.C.G. Maxkamaddu waxay dambiilaha ku xukuntay xadhig ciqaabeed dhan 1 sano iyo 4 bilood iyo xuquuqdii madani ee ay ka xukuntay qod 440 (1) X.C.G.

Waxaa kale oo lasii raaciyay Xadhiga waxaa dambiilaha looga bilaabayaa maalintii xorriyadda laga qaaday oo ay taariikhdu ahayd 18/01/2026″. Haddaba taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaa la farayaa inuu xabsiga ku hayo dambiilaha ilaa inta uu xadhiga ka dhamaanayo iskana bixiyo xuquuqda madani”.

Kiiskan ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan oo qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana soo farogeliyay fannaaniin kale oo garab istaagay Fiska.