
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka doorashada ee uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo lagu sheegay in doorashooyin laga qabanayo magaalooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex, Buuhoodle iyo degmooyin kale oo ay Puntland ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin dhulkeeda.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin cid awood u leh inay doorasho ka qabato deegaanadaas, maadaama ay weli si sharci ah uga mid yihiin Puntland. Puntland waxay ku doodday in tallaabadan ay tahay faragelin ka baxsan awoodda dowladda federaalka, isla markaana aysan waafaqsanayn nidaamka federaalka ee dalka.
Sidoo kale, Puntland waxay arrintan ku tilmaantay kala qaybin bulsho iyo tallaabo khatar ku ah midnimada dadka deegaanka, iyadoo xustay in ay sii hurin karto khilaafaad hore u jiray. Waxa kale oo ay sheegtay in jadwalkan doorasho uu si cad uga hor imanayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobada qeexaya awood-qaybsiga iyo xuduudaha dowlad-goboleedyada.
Ugu dambeyn, Puntland waxay ugu baaqday dowladda federaalka iyo guddiga doorashooyinka in ay dib u eegaan go’aankan, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin hal dhinac ah oo dhaawici kara wada-jirkii siyaasadeed iyo xasilloonida dalka.




















