DAAWO: Shariif oo u guuray Mirinaayo.

21

Magaalada Mogadishu ayaa laga soo sheegayaa diyaargarow xooggan oo ay wadaan madasha samatabixinta Soomaaliya, kuwaas oo qorsheynaya bannaanbax ballaaran oo saameyn ku yeelan kara xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhaqdhaqaaqyo abaabul iyo kulamo istiraatiiji ah ay ka socdaan xarumo ay mucaaradku ka sameysteen duleedka caasimadda, halkaas oo lagu qorsheynayo qaabka uu u dhici doono isu soo baxa.

Sida la sheegay, hoggaamiyihii hore ee dalka Sharif Sheikh Ahmed ayaa lagu soo warramayaa inuu u wareegay xarun cusub oo ku taalla deegaanka Mirnaayo, taas oo qeyb ka ah isku dubbaridka dadaallada mucaaradka. Hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadda mucaaradka ayaa iyaguna wada kulamo ay uga arrinsanayaan xaaladda soo socota.

Mucaaradku ayaa maanta galab yeelanaya shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayo qaabka bannaanbaxu u dhici doono, meelaha la isugu imaanayo, waddooyinka suurtagalka ah ee la xiri karo, iyo sida looga falcelinayo haddii la hor istaago isu soo baxa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mucaaradku ay adkeeyeen mowqifkooda ah in bannaanbaxu uu dhacayo, iyagoo sheegaya in ay u arkaan tallaabo lagama maarmaan ah oo la xiriirta “sixitaanka dastuurka” iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in hay’adaha dastuuriga ah ay si sharci ah u shaqeynayaan ilaa laga gaarayo doorashooyin cusub, arrintaas oo sii kordhisay kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.