DAAWO: Muungaab oo go’aano culus kasoo saaray banaanbaxyada mucaaradka.

22

Maamulka Gobolka Banaadir oo awaamiir culus kasoo saaray banaanbaxyada mucaaradka ee lagu wado inay berri ka dhacaan magaalada Muqdisho ayaa u asteeyay saddex goobood oo ku yaalla caasimada.

Kulan deg-deg ah oo uu guddoomiyay duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa go’aankan lagu gaaray, iyada oo amniga dibadbaxayaash ay sugayaan ciidamada dowladda.

Goobaha banaanbaxyada loo asteeyay waxay kala yihiin garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ee degmada Cabdicasiis, garoonka kubadda cagta Stadium Muqdisho ee degmada Warta Nabadda iyo garoonka kubadda cagta Jaamacaha ee degmada Hodan.

Afhayeenka Gobolka oo faah-faahiyay go’aannada soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in aan dibadbaxayaasha loo ogoleyn hub, balse ay si nabad ah ku dibadbixi karaan.

“Waxaa waajib ah in banaanbaxyada ay noqdaan kuwa nabadeed oo suurtageliya in dadku ay si xor ah oo xasilooni ah ay aragtidooda usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa reeban in la isticmaalo hub iyo agab kale oo qatar ku ah amniga iyo xasiloonida caasimada ee dadaalka badan la geliyay”.

Go’aannada kasoo baxay maamulka gobolka ayaa kusoo aadayo, iyada oo saaka mucaaradka ay sheegeen in aysan ogolaan doonin in loo xadido goobaha ay ku qabsanayaan mudaharaadyada, sida uu shaaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Mucaaradka oo hadda wadda abaabulkii ugu dambeeyay ayaa ku andacoonaya in dareenkooda ah si nabad ah ku muujinayaan, waxayna diidan yihiin muddo kororsiga halka sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo barakicinta shacabka magaalada Muqdisho.