
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in wax yar ka hor ay Israa’iil iyo United States si wadajir ah u bilaabeen howlgal uu ku tilmaamay mid lagu ciribtirayo “khatar jiritaan” oo ka imanaysa nidaamka Iiraan.
Netanyahu ayaa u mahadceliyay “saaxiibka weyn” ee Israa’iil, Donald Trump, isaga oo ku amaanay hoggaankiisa waxa uu ku sifeeyay mid taariikhi ah. Wuxuu sheegay in muddo tobannaan sano ah hoggaanka Iiraan uu ku celcelinayay hanjabaado ka dhan ah Israa’iil iyo Mareykanka, isla markaana uu ku eedeeyay inuu huriyay rabshado iyo dhiig daadasho.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in, sida uu hadalka u dhigay, nidaamka Iiraan uusan helin hub nukliyeer oo khatar gelin kara gobolka iyo caalamkaba. Wuxuu xusay in tallaabada wadajirka ah ee Israa’iil iyo Mareykanka ay abuuri karto duruufo u saamaxaya shacabka Iiraan inay mustaqbalkooda go’aansadaan.
Netanyahu ayaa sidoo kale fariin u diray qowmiyadaha kala duwan ee Iiraan, isaga oo ku boorriyay inay ka hor yimaadaan kali-talisnimada oo ay ka shaqeeyaan Iiraan xor ah oo nabdoon.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Israa’iil inay raacaan tilmaamaha Taliska Difaaca Gudaha inta lagu guda jiro howlgalka uu ugu magac daray “Guuxa Libaaxa,” isagoo sheegay in loo baahan yahay dulqaad iyo adkaysi maalmaha soo socda.
“Si wadajir ah ayaan u istaagi doonnaa, si wadajir ah ayaan u difaaci doonnaa dalkeenna, si wadajir ah ayaanna u xaqiijin doonnaa jiritaanka Israa’iil,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.




















