Saciid Deni oo quustay Xasan Sheekh + Video

66

 

Screenshot

 

Madaxweynana Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdulahi Deni oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo quus ka muujiyay wada-hadal dambe oo lala galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirweyne ay Jimcihii xubnaha mucaaradka ku yeesheen hoteel Jasiira ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in si walba oo loola hadlay uu ka biyo diiday xalka, isla markaana uu iska sii wato shaqadiisa.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in aan dib dambe loola hadal, ayna soo dhammaadeen fursadihii wada-hadalka, loo baahan yahay in laga tashado, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh horta wuxuu fadhiyaa gurigii ummadda kursigii dowladda dhalinyaradii Soomaaliyeed ee askarta ahayd baana waardiyeyneyso laakiin haddaad run u sheegtid iyo haddaa wax kale u sheegtid-ba waana iska faraxsan yahaywaana iska qoyslayaa” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu ku daray “Aniga waan garan waayay si loola hadlo, waxaase qabaa hadal dambe yaan loogu tegin way soo dhammaatay in loo caqli celiyo”.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday wax ka beddelka Dastuurka oo uu ku dhaliilay Baarlamaanka Soomaaliyeed, maadaama ay ka taagan tahay xiisad culus, ayna ka soo horjeedaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Baarlamaanku kasii dhammaanayo muddo xileedka, sidaas oo ay tahayna uu ka shaqeynayo sharci darro.

“Waxaa mucjiso ah Baarlamaan 6 bilood ka yar ka hartay oo laba bilood ah oo dhahaya haddane Dastuurkii dalka oo dhan ayaa wax ka beddalayaa inaan dalkan sharci iyo nidaam iyo dowladnimo ay ka jirin ogaada” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay kooxda Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka ee ku aadan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, kadib markii ay isku fahmi waayeen labada dhinac, taas oo keentay in shirka lagu kala kaco.