Faah-faahinno dheeraad ay ayaa waxaa laga helayaa tiro kamid ah diyaaradaha F-15 ee Mareykanku leeyahay oo maanta ku burburay gudaha dalka Kuwait oo ay weli duqeyn ku waddo dowlada Iran.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa lagu xaqiijiyay in ay soo dhaceen qaar kamid ah diyaaradaha ciidanka Mareykanka, balse aanu jirin wax khasaare ah marka laga reebo burburka diyaaradaha soo dhacay.
Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in duuliyeyaasha diyaaradaha la daad-gureeyay, loona qaaday isbitaallo, si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo. Waxay intaas ku dartay in xaaladda shaqaaluhu ay tahay mid deggan.”
Kuwait ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay la shaqaynayso xulafadeeda Mareykanka si loo ogaado duruufta dhacdadan, isla markaana ay sameyneyso baaritaanka sababaha keenay shilka.”
Muuqaal si weyn ugu baahan baraha bulshada ayaa muujinayo mid kamid ah duuliyeyaasha diyaaradaha burburay oo kusoo booday baarashuud, waxaase uu u gacan galay dadka deegaanka, isaga oo ku hubeysan qoray.
Duuliyaha ayaa markii hore isku dayay in uu is difaaco, balse shacabka ayaa kusoo xoomay, kadibna isaga oo gacmaha kor u taagaya ayuu is-dhiibay.
Waxyar kadib waxaa goobta tegay laamaha amniga Kuwait oo ka gaaray iyaga oo duuliyaha ku qaatay gaari yar oo ay wateen.
Kuwait, Baxrayn iyo waddamo badan oo ka tirsan Khaliijka ayaa hadda la kulmaya weerarro xooggan oo uga imaanaya Iran, iyada jab lagu gaarsiiyay Mareykanka oo saldhigyo kuleh waddamadaasi, maadaama ay xulafo la yihiin.





















