
Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn go’aanka la filayo in maanta Baarlamaanka uu ka gaaro dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah, si loo ansixiyo.
“Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in aysan qayb ka ahayn habraacyada iyo tallaabooyinka lagu wado wax ka beddelka Dastuurka, maadaama wadiiqooyinka loo marayo ay yihiin kuwa aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii lagu dhisay Dastuurka”. ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in xildhibaannadeeda ay ka maqan yihiin habraacyada wax ka beddelka Dastuurka, isla markaana natiijo kasta oo kasoo baxda kulanka maanta aysan quseyn maamulkooda.
“Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland ayaa si wadajir ah uga maqan dhammaan geeddi-socota iyo habraacyada lagu wado wax ka beddelka Dastuurka. Taas macnaheedu waa in Jubaland aan s rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo kasoo baxda hanaankaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka maamulka Jubaland.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay si cad u sheegeysaa in dadka iyo deegaannada Jubaland aan lagu dhaqi doonin, lagana aqoonsan doonin go’aan kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa iyadoo aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay”.
Jubaland waxaa kale oo ay sheegtay in ay miiska u saaran yihiin dhammaan xulashooyinka la heli karo, haddii uu dhammaado muddo xileedka sharciga ah ee Hay’adaha Federaalka, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hannaanka doorashooyinka qaran oo weli ay dood ka taagan tahay.
Tallaabadan oo kale waxaa horay u qaaday Puntland oo iyadana wadatashi ugu yeertay xidhibaannadeeda, waxayna ku dhawaaqday in ay qaadacday wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka, sidoo kalena aysan qayb ka noqon doonin ansixintiisa oo maanta loo ballansanyahay.





















