
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigeen la-taliye sare oo ka tirsan Madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga.
Tallaabadan ayaa si degdeg ah u dhalisay caro iyo cambaareyn xooggan oo ka timid maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku sifeeyay “afduub sharci-darro ah” oo dhacay xilli habeenimo ah.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu caddeeyay in la xiray Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada. Booliska ayaa sheegay in mas’uulkan uu ku howlanaa falal lid ku ah amniga, isla markaana uu hadda ku socdo baaritaan rasmi ah.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa caawa gacanta ku dhigay eedeysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga liddi ku ah, waxaana ku socda baaris,” ayaa lagu yiri qoraalka uu taliska boolisku ku baahiyay barta Facebook, kaas oo uu la socday sawirka Hurre.

Dhanka kale, dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi, waxayna ku eedeysay hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka inay weerar gaadmo ah oo aan wax sharci ah loo marin ku qaadeen Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, abaaro 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee Arbacada.




















