DAAWO: Wasiir ka tirsan xukuumadda Xamza oo is-casilay

40

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka wasiiru-dowlaha ee uu ku hayay xukuumadda Dan Qaran ee ra’iisul wasaare Xamza.

Caynaanshe oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland ayaa xalay goor dambe shaaciyay go’aankan, isaga oo sababta ku sheegay khilaafka xooggan ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

Waxa uu intaasi ku daray inuu la dareen yahay madaxda iyo shacabka Puntland, uuna kasoo horjeedo, sida haatan wax loo wado, maadaama lagu kala aragti duwanaaday wax ka beddalka dastuurka kumeel gaarka ah.

Sidoo kale, Caynaanshe ayaa u mahad-celiyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ku aaminay xilka uu haatan iska casilay.

“Kursiga aan ku fadhiyo waxa aan ku metalaa Shacabka iyo Puntland sidaas awgeed waxa ay raalli ka yihiin ayaan raali ka ahay, waxa aan halkaan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, aniga oo u mahadcelinayo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilkaan igu aaminay” ayuu yiri Caynaanshe Yuusuf Xuseen.

Is-casilaadda wasiirkan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, uuna kasii darayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, kaas oo sii xoogeystay markii Muqdisho lagu xayiray xildhibaannada kasoo jeedo maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale xalay dhacday in magaalada Muqdisho lagu xiro Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyadoo lagu eedeeyay falal carqaladeynaya amniga.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay “afduub” sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah.