Baarlamaanka oo cod aqlabiyad-leh ku ansixiyay dhammeystirka Dastuurka Dalka

64

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow go’aan rasmi ah ka gaaray Dastuurka kumeel gaar ah, xilli ay weli diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.

Kooramka Xildhibaannada ayaa ahaa 186 Mudane oo Golaha Shacabka ahiyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, kuwaas cod aqlabiyad-leh ku meelmariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama lagu sameeyay wax ka beddal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in ansixinta dhammeystirka Dastuurka ay codeen illaa 222 Xildhibaan oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka, mana jirin wax diiday iyo wax ka aamusay.

Inta uu socday kulanka waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay aagga xarunta Baarlamaanka iyo waddooyinka magaalada Muqdisho.

Tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa ka dhigan inuu ansax yahay wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka, waaana guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay dhammeystirka Dastuurka.

Dhinaca kale, waxay arrintan guul darro ah u tahay Golaha Mustaqbalka oo iyagu horay u diiday wax ka beddelka Dastuurka, taas oo keentay inay fashilmaan wada-hadalladii ay ku jireen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dhawaan lagu qabtay Villa Soomaaliya.