Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro culus ku qaaday Caasimada Iiran

62

 

 

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa Xalay iyo Saaka waxay weeraro culus oo xaga cirka ah ku qaadeen Magaalada Caasimada u ah Iiran ee Tehran taasoo qeyb ka ahayd dagaalkii awalba ka dhex socday dhinacyadaasi ,garoonka diyaaradaha Tehran ayaa si gaar ah loo duqeeyay.

Muuqaalio ay warbaahintu ka soo tabiyeen weerarada lagu qaaday koonfurta magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan ayaa muujinaya dab xoogan oo ka kacaya meelaha la weeraray oo garoonka diyaaradaha uu ka mid yahay walow khasaaraha nafeed iyo mida hantiyeedba aan wali faah-faahin laga soo saarin.

Iiran ayaa laftigeeda weeraro kaga jawaabtay kuwaasoo ay ku qaaday Magaalada xarunta u ah Yuhuuda ee Talaabiid sidii awalba caadada u ahayd,sidoo kale Iiran waxay gantaalo u qerybisay dalal carbeed sida Imaaraadka iyo Kuweyt oo saldhigo Milateri ay ku leeyihiin Mareykanku.

Dhanka kale Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu Iiran ka caawinayo bartilmaameedyada saldhigyada Milateri ee Mareykanku ku leeyahay qaar ka mid ah dalalka Carabta,Mareykanka waxay xuseen in Ruushku siiyo Iiraan Xog sir ah oo ku saabsan goobaha ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Ilo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in Ruushku uu siinayo Iiraan xog sir ah oo ku saabsan saldhigyada Milateri ee Mareykanku ku leeyahay Dalalka Carabta.