DAAWO Koofur Galbeed oo sheegtay cida ay weerarka kala kulmayso.

19

Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka culus ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka, khilaafkaas oo si weyn looga dareemayo magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Warbaahinta, Professor Xaayow, oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay ku lug leedahay dagaallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda deegaanno ka tirsan maamulkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamo mucaarad ah oo isku magacaabay “Badbaada Koonfur Galbeed” kana soo horjeeda Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Prof. Xaayow ayaa sheegay in wasiirro ka tirsan dowladda federaalka ay abaabuleen maleeshiyaad deegaanka ah, isla markaana ay siiyeen hub iyo lacago si ay u abuuraan xasilooni darro.

“Wiilal deegaanka u dhashay ayaa la abaabulay, wasiirro ka tirsan DFS ayaana lacag ku laaluushay si ay u carqaladeeyaan nabadda iyo amniga Koonfur Galbeed,” ayuu yiri.

Wuxuu si gaar ah u magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Eelaay iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isaga oo ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin abaabulkaas.

Sidoo kale, la-taliyuhu wuxuu sheegay in hubka la geeyay Baydhabo iyo deegaanno kale lagu soo dhex mariyay dhul ay joogaan Al-Shabaab, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid dhalinaysa su’aalo amni.

Khilaafkan ayaa sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, taas oo salka ku haysa wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada. Xasaraddan ayaa timid kaddib markii baarlamaanka federaalku 5-tii Maarso ansixiyay qodobo dastuuri ah oo muran dhaliyay, kuwaas oo uu 8-dii Maarso saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si ay u noqdaan sharci rasmi ah.