Gobolka Bay oo laba taliye Boolis loo kala magacaabay

26

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan (Diyaano) oo wareegto soo saaray ayaa maanta Talis cusub u magacaabay Gobolka Baay, xilli ay haatan taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.

 

Sida lagu sheegay wareegtada soo baxday waxaa taliyaha cusub ee qaybta guud ee Booliska Gobolka Baay loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) oo horay usoo noqday taliyaha laanta C.I.D-da.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad siinaaya sugida amniga Gobolka Baay ayaa u magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Gaashaanle Dhexe. Sadiiq Aadan Cali (Duudishe)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa taliyaha cusub ee saldhigga Booliska Degmada Baydhaba isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-Gaabeey), iyadoo taliyeyaasha la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Magacaabistaan ayaa ku soo aaday xili xaalado amni daro ka taagan tahay gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana laga dhowrayaa dib u habeynta Booliska Gobolka Baay”.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolkan taliye u maacaabay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xilkii ay ka qaaday taliyihii hore oo iska diiday markii looga yeeray Muqdisho.